Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Burcad Badeed Sii Deysay Ajaaniib ay Heysteen


Wararka ka imanaya maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegaya in habeenkii Jimcaha ahaa (Xalay) la sii daayey 26 nin oo u kala dhashay dalalka Shiinaha, Filibiin, Indonisia, Teywaan, iyo Fiyetnaam, kuwaas oo muddo afar sano koox burcad-badeed ahi ay madax furasho u haystay.

Kooxdan oo lagu haystay deegaanada miyiga ah ee bariga gobolka Muduga ayaa la sheegay in markii la qabsaday ay saarnaayeen dooni kalluumeysi. Warar ay VOAdu heshay ayaa sheegay in markii la qabtay ay tiradoodu guud ahayd 29, 3 ka mid ahina ay dhinteen intii la haystay.

VOAda ayaa ogaatgay in 26ka ee la soo daayey ay xaaladooda caafimaad ay aad u liidato, labo ka mid ahina ay naafo noqdeen intii la haystay.

Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug ayaanan wali ka hadlin xaaladda dadka ajnabiga ah ee la sii daayey, hase yeeshee, waxay VOAda u sheegeen in la qorshaynayo in maalinta barrito ah laga dhoofiyo magaalada Galkacayo.

Warar hoose oo ay VOAdu ogaatay ayaa sheegaya in dadkan la sii daayey, ka dib markii kooxdii haysatay ay heshay lacag madax furasho ah oo gaaraysa 2 milyan oo dollar.

XS
SM
MD
LG