Doorashada xubnaha aqalka sare u matali doona Maamulka Jubbaland oo ka dhacday Guriga Daawad ee magaalada Kismaayo ayaa lasoo gabagabeeyey. Shirkan ayaa lagaga dhawaaqay siddeedda xubnood ee maamulkaas u metelaya aqalka sare.
Xubnaha Jubbaland u metelaya aqalka sare ayaa kala ah,
Maxamed Faarax Xujaale oo ka guulaystay Cabdi Maxamed Tarax;
Ahmed Xaashi oo ka guulaystay Dr. Maxamed Cabdi Gaandi;
Jeneraal Cabdullahi Sh Ismaaciil Fartaag oo ka guulaystay Saynab Cabdi Samoow;
Iftin Xasan Iimaan oo ka guulaystay Nuur Salaad;
Axmed Cumar oo ka guulaystay Aadan Cumar;
Mowliid Xuseen Guhaad oo ka guulaystay Cabdi Barre Ibraahim;
Axmed Cabdi Xafiid oo loogu dhowaaqay inuu ka guulaystay kadib markii ay tartanka ka baxdaay Muslimo Cabdiraxmaan;
iyo Faadumo Xasan Aadan oo ka guulaysatay Waris Cabdi Maxamuud.
Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhaba ka bilaabantay doorashada Aqalka Sare kadib markii lasoo gabagabeeyey khudbadaha musharrixiinta.