Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dooddi Musharixiinta Madaxweynanimada Mareykanka ee u Danbeysay


Musharaxiinta Hillary Clinton iyo Donald Trump ee u tartamaya xilka madaxweynanimo ee dalka Mareykanka ayaa ku kulmaya dooddi sadaxaad oo ah middi ugu danbeysay dooddaha musharaxiinta madaxweynanimo. dooddan sadaxaad ayaa caawa ka dhicidoonta magaalada Las Vages ee gobolka Nevada.

Musharaxa xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa hada ka danbeeyo dhanka fikirka dadweyna musharaxa Dimuquraadiga ee Hillary Clinton, waana fursadii ugudanbeysay ee uu kusoo jiidan lahaa dad baddan hadii uu doodda hagaajisto caawa.

Fikir aruurintii ugu danbaysay ee la sameeyey ayaa muujineysa in Clinton ay ku hogaamineyso Donald Trump 6.4%. Sidoo kale clinton waxaa ay kaga horeysaa musharaxa Jamhuuriga gobolada muhiimka u ah guusha doorashada madaxweynanimada Mareykanka. Balse, fikir ururntii ugu danbeysay ee CNN-ORC ee gobollada Nevada, Ohio iyo Waqooyiga Carolina ayaa muujinaysa isku dhawaansho labada musharax.

XS
SM
MD
LG