Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Gaalkacyo oo Dagaalo ay Dib uga Bilowdeen


Gaalkacyo: 7 ku Dhimatay Weeraro lagu Qaaday Masaajiddo
Gaalkacyo: 7 ku Dhimatay Weeraro lagu Qaaday Masaajiddo

Wararka ka imaanaya magaalada Gaaklacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya in maanta uu mar kale dagaal ka dhex qarxay maamulada Galmudug iyo Puntland oo horey marar hore magaalada ugu dagaalamay.

Dadka ku sugaan magaalada ayaa inkasta oo cidda weerarka dagaalkaan lahayd aan la ogeyn, hadane waxay dadka ku sugan Gaalkacyo ku baraarugeen rasaas culus oo dushooda ka dhaceysa.

Khasaaraha ka dhashay dagaalkan lama oga, waxaana wararku ay sheegayaan in dhinacyada dagaallamayey ay isku adeegsanayaan hub culus.

Labadii maalin ee ugu dambeysay waxaa Gaalkacyo ka jiray xiisad u dhaxeysa maamullada Puntland iyo Galmudug, iyadoo marar badan ay dhinacyadaan ku dagaallameen magaaladaasi.

Warbixin iyo wareysi xaaladda Gaalkacyo ku saabsan hoos ka dhageyso.

Dagaalka Gaalkacyo
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:06:37 0:00

XS
SM
MD
LG