Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump: Waxaan u careysanahay Jamhuuriyiinta


APTOPIX Campaign 2016 Trump
APTOPIX Campaign 2016 Trump

Musharraxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada dalka Mareykanka Donald Trump ayaa wacad ku maray inuu si iskiis ah u dhameysan doono todobaadyada ugu danbeeya ee ololahiisa doorashada madaxtinimada.

Isaga oo Arbacadi shalay kula hadlayey gobolka Florida ee koofurbari dalkan Mareykanka, ayuu sheegay Trump inuu aad ugu careysanyahay qaar ka mid ah saaxiibadiisa xisbiga Jamhuuriga.

Arrintan ayaa ka danbeysay kadib marki ay qaar badan oo ka mid ah madaxda sare ee xisbiga Jamhuuriga go,aansadeen in aysan u ololeyn doonin Donald Trump, sababo la xiriira fadaaxadii dhawaan kusoo baxday ee la xiriirtay hadalada anshax darrada ahaa ee uu ka sheegay dumarka.

Doorashada madaxtinimada Mareykanka ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha November ee soo aadan.

XS
SM
MD
LG