Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Weerar ku Qaaday Xubnaha Jamhuuriga


Donald Trump
Donald Trump

Musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump ayaa sheegay inay u wanaagsan tahay taageero la’aanta dadka “Liita ee aan waxba gelin” ee xisbigiisa, kuwaasi oo uu ku jiro afhayeenka aqalka wakiilada Paul Ryan.

Wareysi uu siiyey taleefishinka Fox News ayuu Trump ku sheegay in Ryan iyo xubnaha kale ee ka tirsan congress-ka Mareykanka ay ula dhaqmayaan si aan wanaagsaneyn, islamarkaana aysan taageersaneyn musharaxnimadiisa.

Hadalladiisa ayaa yimid kadib markii ay soo shaac baxday cajalad la duubay sanaddii 2005, oo Trump uu kasoo dhex muuqday isaga oo hadallo aad u xun ka sheegaya haweenka, taasi oo dhalisay in xubno badan oo xisbigiisa ka mid ah ay taageerada kala noqdaan.

“Waa arrin aad u wanaagsan in hadda culeeska iga degay, islamarkaana aan Ameerika ugu dagaalami karo sida aan aniga doonayo” ayuu Trump ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa twitter-ka.

Isaga oo difaacaya hadalladiisa ka dhanka ah haweenka ee cajaladda laga maqlay ayaa Trump waxa uu sheegay inay ahaayeen waxa ragga ay ku sheegaan qolalka lagu dher baddesho, islmarkaanaa uu maqlay hadallo kuwaas kasii xun.

XS
SM
MD
LG