Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Al-Shabab oo Qabsatay Deegaanka Ceel-Cali


Shabaab
Shabaab

Maleeshiyada A-Shabaab ayaa la wareegey gacan ku heynta deegaanka Ceel-Cali ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay ciidamdii Ethiopia ee Amisom ay ka baxeen deegaankaas.

Guddoomiyaha deegaanka Ceel-Cali, Aadan Cali Fiidow ayaa sheegay in saraakiisha ciidamada Ethiopia ay u sheegeen inay deegaanka ka baxayaan kadib markii amar arrintaas ku saabsan ay ka heleen magaalada Addis-Ababa.

Guddoomiyaha ayaa sheegay inay dib isugu ururinayaan ciidankooda si ay magaalada dib ugala wareegaan kooxda al-Shabaab ee iminka gacanta ku haysa.

Ciidamada Ethiopia ayaa sidoo kale dabayaaqadii bishii September ka baxay deegaanka Moqokori ee gobolka Hiiraan, waxaana jira warar sheegaya inay sidoo kale ka baxayaan deegaanka Halgan ee isla gobolkaas.

Illaa iyo hadda si rasmi ah looma oga sababaha ugu wacana ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee qeybo ka mid ah gobolka Hiiraan.

XS
SM
MD
LG