Doodda 2aad ee musharaxiinta madexweyninimada Mareykanka, Hillary Clinton iyo Donald Trump ayaa xaley lagu qabtey Jaamacadda Washngton oo ku taal magaalada St. Louis ee gobolka Missouri. Malaayiinta qof ee daawadey waxa ka mid ah Madaxa Laanta Af Soomaaliga ee VOA, Cabdiraxman Yabarow.
Haddaba Caasha Cuud oo ka tirsan VOA ayaa goor dhaweyd ka wareysatey Yabarow sida ay dooddii xaley ay u dhacdey iyo waxa ay uga duwaneyd tii middan ka horeysey.