Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Obama: "Trump Waa Nin Aan Isku Kalsooneyn"


Madaxweyne Barack Obama
Madaxweyne Barack Obama

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa Donald Trump ku sheegay “Nin aan isku kalsooneyn”, waxaana uu sheegay inuu yahay “Nin sare isku qaada”, isaga oo hoos u dhigaya dadka kale.

Obama ayaa ka fal-celinayey hadallo galmada la xiriira oo aan wanaagsaneyn oo Trump uu ka sheegay haweenka sanaddii 2005, kuwaas oo shaac baxay maalintii Jimcaha, kadib markii cajalad ay ku duubnaayeen uu baahiyey wargeyska Washington Post.

Isaga oo u ololeynayey Tammy Duckworth oo u sharaxan kursiga Senate-ka ee gobolka Illinois ayaa Obama waxa uu sheegay in musharaxa xisbiga Jamhuuriga uu muujiyey “Inuu noqon doono nin aan kala jecleyn edebta iyo xushmadda” ay dimoqraadiyadda u baahan tahay.

Inkasta oo Hillary Clinton ay Trump ka horeyso marka la eego codadka ra’yiga dadweynaha, ayaa Obama waxa uu sheegay in xaaladdu ay tahay mid meel sare mareysa, islamarkaana aan waxba la is lahaysiin karin.

Musharaxiinta xisbiyada Jamhuuriga iyo Dimoqraadiga Donald Trump iyo Hillary Clinton ayaa mar kale caawa isku arkaya dooddii labaad ee madaxweynenimada.

XS
SM
MD
LG