Guddida doorashada dadban ee Soomaaliya oo shirjaraa'id qabtay ayaa sheegay in hal dawlad goboleed ay u soo gudbiyeen liiska xubnaha u sharaxan Golaha Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha guddida doorashada dadban Cumar Maxamed Cabdulle ayaa sheegay in maamul goboleedka Puntland uu soo gudbiyey illaa 22 musharax oo u tartamaya golaha sare, halka uu sheegay in maamul goboleedada kale uu ka rajo qabo inay si dhakhso ah u soo gudbin doonaan.
Guddoomiyaha ayaa VOA u sheegay in weli ay u baahan yihiin in talo laga gaadho habka xulista xildhibaannada Aqalka Sare ee Hiiraan iyo Shabeelle iyo weliba Somaliland.
Ismaaciil Xuseen Farjar ayaa waraystay guddoomiyaha guddida doorashada dadban: