Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duufaanta Matthew oo ku Dhufatay Florida


Duufaaanta loogu magac daray Matthew ayaa billowday subaxnimada jimcaha inay ku dhufato xeebaha bari ee gobolka Florida ee dalka Mareykanka.

Duufaanta Matthew ayaa horey boqolaal qof ugu soo dishay waddamada Caribbean-ka, oo ay ku jiraan 300 oo ay ku dishay dalka Haiti.

Duufaaantan ayaa waxaa hadda hoos loogu dhigay darajada saddexaad, waxayna wadataa dabeylo ku socda 100 KM saacadiiba oo ku dhacaya guryaha.

Illaa laba milyan oo qof oo ku nool xeebaha Florida ayaa la amray inay guryahooda ka tagaan una baxaan meelo ammaan ah.

In ka badan 240,000 ayaa koronto la’aan, ayada oo la filayo in dadkaas ay sii kordhaan marka duufaanta ay u dhaqaaqdo dhinaca woqooyi ee gobolka.

Dadka saadaaliya cimilada ayaa sheegaya in duufaanta ay marka ay u dhaqaaqdo dhinaca woqooyi ku dhufan doonta xeebaha bari ee gobollada Georgia iyo South Carolina, ka hor inta aysan dhinaca badda u dhaqaaqin ama kusoo laaban Florida mar labaad.

XS
SM
MD
LG