Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Muqdisho: Wadada Wadnaha oo Dib loo Dayactiray


Muqdisho
Muqdisho

Waxaa soo idlaatay dib u dayactir lagu waday wadada Wadnaha oo marta bartmaha magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaaliya, taasi oo muddo socotay.

Cabdulqaadir Abuukar Cumar oo ah guddoomiyaha shirkadda wadadan dhistay ee Kulmiye Service ayaa VOA u sheegay in la dayac tiray 14 km oo ah labada dhinac ee waddada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in dhismaha wadadan ay ku baxday lacag dhan 4 millian oo dollar.

Lacagtan ayaa ka imaaneysa saddex dhinac oo kala ah ganacsatada Gobolka Banaadir, Dowladda Hoose ee Xamar iyo Dowladda dhexe ee Soomaaliya, sida uu sheegay Cabdulqaadir.

Dib u dayactirka wadada Wadnaha ayaa soo celisay ganacsigii ku yaallay hareeraha waddada isku socodka gaadiidka iyo sahlanaanta isticmaalka oo markii hore adkayd.

Weriyaha VOA Cabdulqaadir Maxamed Cabdulle ayaa warbixintan kasoo diray Muqdisho.

Waddada Wadnaha oo dib loo dayactiray
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:19 0:00

XS
SM
MD
LG