Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Stephen Schwartz oo maalmahan booqasho ku joogay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, ayaa Soomaalida gobolkaasi u sheegay in dawladda Soomaaliya looga baahan yahay inay ka shaqayso afar qaybood oo ay ku mid yihiin amniga, caddaaladda, dhismaha dawladda iyo dib u hesshiisiinta.
Waxa uu sidoo kale ka hadlay weerarkii dhowaan ka dhacay duleedka magaalada Gaalkacayo. Warbixintan waxaa inoo haya Ibraahim Xasan Daandurey.