Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Duqayn ka Socota magaalada Xalab ee Syria


Duqeyn aan kala go’o laheyn oo ka dhan ah qaybta uu mucaaradka haysto ee magaalada Xalab ee dalka Syria ayaa sii socota maanta oo Sabti ah iyadoo dhismayaal badan dhulka lala simay.

Kooxda la socodka xad gudubyada xuquuqada aadanaha ee Syria ee fadhigeedu yahay magaalada London ayaa sheegtay in ugu yaraan 25 qof ay ku dhinteen duqeynta maanta oo Sabti ah.

Jimcihiina waxey sheegtay kooxdu inay dhinteen ugu yaraan 30 qof, oo ay ku jireen dhowr caruur ah.

Duqeyntan ayaa waxaa geysanayay dayuuradaha dagaalka ee Syria iyo kuwa Ruushka ee taageeraya.

Goob joogayaasha ayaa ku soo waramaya in duqeyntan ay bilaabatay gelinkii dambe ee Arabacadii ka dib markii xukumadda Syria ay ku dhawaaqday weeraro cusub oo ay ku dooneyso inay dib ugu qabsato guud ahaan magaalada Aleppo.

Waxaana duqeyntan ay imaanayesaa iyadoo muddo todobaadya ah magaaladu ay xasilooneed ka dib xabad joojintii ay gar warden ka ahaayeen Ruushka iyo Mareykanka taa oo markii dambe guul dareysatay.

Magaalada Aleppo,oo ah tan labaad ee ugu weyn dalka Syria ayaa u kala qeybsaneyd ciidamada dowladda, maleeshiyada mucaaradka iyo dagaalyahanada Kurdiyiinta tan iyo sanadkii 2012kii.

XS
SM
MD
LG