Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan oo Taageeray Dadaallada Haweenka


Haweenka
Haweenka

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale sheegay inuu haweenka Soomaaliyeed ku taageerayo helista qoondada ay ku yeelanayaan baarlamanka cuusb oo ah 30%.

Madaxweynaha ayaa arrintan ka sheegay shir heer qaran ah oo haweenka Soomaaliyeed ay kaga arrinsanayaan hirgelinta qoondada boqolkiiba 30 ee haweenka ku leeyihiin goleyaasha qaranka doorashada dhowaan dhici doonta, oo uu Muqdisho ka furay.

“Haweenka waxay door weyn ku leeyihiin dalka, mana jirto cid xaqiri kara xuquuqdooda” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh.

Khudbad uu munaasabaddaasi ka jeediyay ayuu sidoo kale ku sheegay inuu ku faraxsan yahay dadaalka wadajirka ah ee haweenka ku doonayaan inay kaalin kaga cayaaraan siyaasadda, hoggaanka iyo dib u dhiska dalka.

XS
SM
MD
LG