Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Therese May oo Taageero u Ballanqaaday Somalia


Theresa May
Theresa May

Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May oo markii ugu horeysay ka hor hadleysay shirka Golaha Guud ee QM ayaa ballan qaaday in Britian ay kordhineyso taageerada Somalia ee ku aadan la dagaalanka Al-Shabaab.

May waxa ay ku baaqday shir caalami ah oo arrimaha Soomaaliya looga hadlayo oo ay marti gelineyso sanadka soo socda ee 2017-ka.

Bishii May ayey Britain u dirtay Somalia ciidamo horu-dhac ah oo dhowr iyo toban askari ka koobnaa.

Theresa May waxey sheegtay in ciidamadaas ay gaarsiineyso marka ugu dambeysa ilaa iyo 70 askari.

Wariyeheenna Flastiin Axmed Iimaan ayaa Khudbadda May warbixitan kooban inooga diyaarisay.

Theresa May oo Taagero u Ballanqaaday Somalia
please wait

No media source currently available

0:00 0:02:01 0:00

XS
SM
MD
LG