Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Barakac ka Socda Galgaduud iyo Dagaallo ka Dhacay


Wararka ka imanaya gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa sheegaya in dagaallo cusub ay maanta dhex marayeen ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM iyo maleeshiyada ururka Al-Shabab.

Dagaallada ayaa waxa ay ka dhaceen degaan u dhexeeya Wabxo IYO Dac ee Goboka Galguduud, waxaana weli caddayn khasaaraha dagaalkan isgaarsiinta oo liidata awgeed.

Dhinaca kalena dadkii deganaa degaanadii ay Ciidamada Ethiopia iyo kuwa Dowlada dhowaan isaga soo baxeen ee Goballada Hiiraan iyo Galgaduud ayaa billaabay in ay ka barakacaan cabsi iyo hanjabaad ay ka heleen Al-Shabaab aawgeed, sida ay noo sheegeen dadka degaanka.

Warbixintan waxaa Beledweyne nooga soo diray weriyahayaga Xuseen Xasan Dhaqane.

Barakac ka socda Galgaduud
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:02 0:00

XS
SM
MD
LG