Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maleeshiyada Al-Shabaab oo Gudaha u Galay Ceel Waaq


Shabaab
Shabaab

Wararka ka imanaya magaalada Ceel Waaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in maleeshiyada ururka Al-Shabab ay weerar culus galabta ku qaadeen magaalada ayna maleeshiyadooda haatan ku jiraan gudaha magaalada.

Dadka degaanka ayaa VOA u sheegay in maleeshiyada Al-Shabab ay laba jiho kasoo galeen Ceel-Waaq iyaga oo dagaal xun oo qaraar uu dhexmaray iyaga iyo ciidamada dawladda.

Goobjoogayaal magaalada ka cararay ayaa VOA u sheegay in Al-Shabab ay soo galeen magaalada, waxayna sheegeen in rasaasta la isweydaarsanayo ay aad ugu dhowaatay dhinaca xuduudda Kenya.

Qaar ka mid ah dadka magaalada oo ay idaacadda VOA la xirirtay ayaa sheegay in maleeshiyada Al-Shabab ay haatan gacanta ku hayaan magaalada inkastoo rasaas goosgoos ah mararka qaarkood la maqlayo.

XS
SM
MD
LG