Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shirka IGAD oo Ka Socda Muqdisho


IGAD Mogadishu
IGAD Mogadishu

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda shirka Urur goboleedka IGAD, halkaas oo ay ku sugan yihiin madaxweynayaasha dalalka Kenya, Uganda iyo Ra’iisal Wasaaraha Ethiopia iyo Madaxweynaha loo martida yahay ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale shirka IGAD ee ka dhacaya magaalada Muqdisho waxaa ku sugan ergo metelaysa dalalka Sudan, Djibouti iyo Koonfur Sudan.

Kulankan ayaa noqonaya kii ugu horeeyey ee IGAD ay ku qabsato Soomaaliya tan iyo sanaddii 1986-kii oo ahayd markii ururka la aasaasay.

Shirkan ayaa looga hadlayaa qodobo ay ka mid yihiin Xiisadda ka taagan Koonfur Sudan iyo weliba arrimaha Soomaaliya waxaana la filayaa inuu goordhow soo geba-geboobo.

XS
SM
MD
LG