Isku xirrada

War Deg-Deg ah

S/Guud Maxamed Cali Samatar oo Muqdisho lagu Aasay


Aaska Samatar
Aaska Samatar

Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Soomaaliya S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa maanta lagu aasay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Aaska S/Guud Maxamed Cali Samatar ayaa waxaa ka qeyb-galaya mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya oo ay ka mid yihiin madaxweyne Xasan Sheekh, Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Mudane Maxamed Cusmaan Jawaari iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke.

Waxaa sidoo kale ka qeyb-galay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin ra’iisul wasaareyaashii hore ee Soomaalida Cabdi Faarax Shirdoon Saacid iyo Nuur Cadde, iyo Madaxweyneyaasha maamulka Jubbaland iyo Koonfuur Galbeed Soomaaliya (Axmed Maxamed Islaam iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan).

“Innaa Lillaahi waa Inaa Ileyhi Raajicuun. Marxuum S/Guud Maxamed Cali Samantar waxaa uu ahaa hoggaamiye muddo dheer waddankan u adeegayey, inagoo ixtiraamkaas iyo waxqabadkaas eegeyna ayaan ku maamuusney inaan aaskan heerka qaran ee uu mudan yahay u sameyno” Waxaa sidaas yiri madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Maxamed Cali Samatar ayaa 20-kii bishan ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

XS
SM
MD
LG