Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Galkacyo: Qaraxyo Dilay ugu Yaraan 20 Qof


Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in laba qarax oo ismiidaamin ah ay maanta ka dhaceen woqooyiga magaalada kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof, dhaawacna uu ka soo gaaray ugu yaraaan 40 kale.


Qarxyada ayaa loo adeegsday laba gaari oo uu mid yahay kuwa lagu raaxeysto kan kalana uu yahay gaari xamuul ah. Labada qarax oo ay daqiiqado u dhexeyeen ayaa lagu weeraray xarunta dowladda hoose ee degmada gaalkacyo ee maamulka Puntland.


Warar hor u dhac ah oo laga helay laamaha amaanka ee Puntaland ayaa sheegaya in mid ka mid ah gawaarida qaraxa geystay ay wadday qof haweeney ah.


Kooxda al-Shabab ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi.

XS
SM
MD
LG