Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Aabe Muslim ah Oo Khudbad Qiiro leh ka Jeediyey Shirka Dimoqraadiga


Muhaajir muslim ah ayaa shirka Dimoqraadiga ee magaalada Philadelphia lagu soo geba gebeeyey xalay ka jeediyey khudbad dad badan ay ugu yeereen inay ahayd tii ugu qiiradda badneyd.

Khizr Khan, oo ah abaaha askari Mareykan ah oo geeriyooday ayaa si aad ah u dhalleeceeyey musharaxa madaxweynaha Mareykanka ee xisbiga Jamhuuriga Donald Trump, isaga oo weydiiyey “Weligaa ma aqrisay dastuurka Mareykanka?”

Wiilka Khan, Kabtan Humayun Khan, oo dalka Mareykanka uga soo haajiray dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta isaga oo yar, ayaa sanaddii 2004 ku geeriyooday dagaalkii Ciraq. Waxa uu ahaa 27 jir.

“Hillary Clinton way saxsaneyd markii ay wiilkeyga ugu yeertay inuu ahaa Wanaagga Mareykanka. Haddii uu ahaan lahaa Trump, wiilkeyga weligiis ma yimaadeen Mareykanka”.

Khan oo ay garab taagneyd xaaskiisa ayaa sheegay inuu Mareykanka yimid isaga oo aan waxba haysan, hase yeeshee iminka ay xor u yihiin inay raacaan riyada Mareykanka.

XS
SM
MD
LG