Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ban Ki Moon oo Cambaareeyey Qaraxyadii Muqdisho


Xoghayaaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki Moon ayaa cambaareeyay weerarkii argagixiso ee saakay ka dhacaymeel ku dhow garoonka Aaden Cadde ee Magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Xafiiska Ban Ki Moon oo la soo gaarsiiyay Idaacaddan VOA-da ayuu ku muujiyay dhaleeceyntiisa, isagoo tacsi u diray dhammaan qoysaska iyo saaxibadda kuwii ku geeriyooday.

Ban Ki Moon wuxuu u rajeeyay kuwii ku dhaawacmay qaraxyadan caafimaad deg deg ah.

Warkan qoraalka ah ayuu ku sheegay Ban Ki Moon in uu dib ugu xaqiijinayo shacabka Soomaaliyeed in falalka guracan ee sidan oo kale ah ee ay argagixisadu geysaneyso aysan marnaba wiiqi doonin taageerada Qaramada Midoobay ay la garab taagan tahay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladoodda, dadaalka ay ugu jireen soo celinta xasiloonida iyo nabadda Somalia.

XS
SM
MD
LG