Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ilaa Iyo 6,000 Ayaa Lagu Xiray Turkiga


Turkey Coup
Turkey Coup

Dowlada Turkiga ayaa sii wada xariga qaar ka mid ah saraakiisha milatariga iyo hey’ada garsoorka kuwaas oo looga shakisanyahay in ay ka danbeeyeen afganbigii dhicisoobay ee Jimcihi ka dhacay dalkaasi.

Wasiirka cadaalada Turkiga Bekir Bozdag ayaa sheegay in la xiray ilaa iyo 6,000 oo ruux,isla markaana tirada qabqabashada ay sii kordhi doonto. Dadka darbiyada gadooshooda la dhigay waxaa ka mid ah abaanduulaha cutubka sadexaad ee ciidanka qalabka sida General Erdal Ozturk, kaasoo wajaha dacwado khiyaano qaran.

Saraakiil sare oo ka tirsanaa milatariga isla markaana loo maleynayo in ay ku lug lahaayeen iskudaygii inqilaab ayaa u duulay dalka Turkiga deriska la ah Giriiga. Wasaarada arrimaha dibadda Turkiga ayaa ka codsatay Giriiga in ay soo gacan geliyaan saraakiishaasi.

Kumannaan kun oo ruux ayaa xalay isugu soo baxay fagaaraha Kizilay ee bartamaha magaalada Ankara iyo sidoo kale magaalada sedexaad ee ugu weyn dalka ee Izmir, si ay u muujiyaan taageerada ay u hayaan dowlada madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

Iskudayga afganbiga Turkiga ayaa waxaa cambaareeyey dhamaan aduunyada,gaar ahaan dalalka saaxibada la ah Turkiga oo ay ku jirto Soomaaliya.

XS
SM
MD
LG