Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Shabaab oo Weeraray Saldhig Kenya ku Yaal


Shabaab
Shabaab

Maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan kooxda Al shabaab ayaa xalay saqdii dhexe abaaro 1:30kii habeenimo weerar culus ku qaaday saldhiga ay Ciidamada booliska Kenya ku leeyihiin deegaanka Diif ee Kenya.

Goobjoogayaal ku sugan Diif ayaa VOA u xaqiijiyey in Ciidamadii booliska ee ku sugnaa saldhiga la weeraray ay markii hore iska caabiyeen maleeshiyadii soo weerartay inkastoo markii dambe weerar rogaal celi ah ay Maleeshiyaadka Al shabaab gudaha ugu galeen saldhiga, ciidamadiina booliska ahaana ay u baneeyeen.

Ilaa hadda si rasmi ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka ay maleeshiyaadka Al shabaab xalay ku qaadeen saldhiga ciidamada booliska ee deegaanka Diif, hasayeeshee dadka deegaanka ayaa xaqiijiyay inay jiraan tiro askar ah oo ciidamada Kenya ka tirsani ay ku dhaawacmeen dagaalka.

Warar lagu kalsoonyahay oo aan ka helnay dadka deegaanka Diif ayaa xaqiijinaya in Maleeshiyaadka Al shabaab oo muddo saacado ah gacanta ku hayay saldhiga booliska ay markii dambe qaateen agab isugu jira Teendhooyinka ciidamada iyo qalab ciidan.

Warbaahinta madaxa banaan ee Keneya ayaa baahisay in Maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday ay saldhiga ka qaateen hub tiro badan oo ay lahaayeen ciidamadii saldhiga ku sugnaa.

XS
SM
MD
LG