Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Sanduuqa Dibu Dhiska Nabadda ee QM oo Somalia Caawinaya


Warsaxaafdeed shalay ka soo baxay xaruunta Qaramada Midoobay ee New York ayaa lagu sheegay in markii ugu horaysay taariikhda uu Sanduuqa Dib-u-dhiska nabadda ee Qaramada Midoobay uu si toos ah lacag ugu deeqayo Somaaliya.

Deeqdan ayaa si toos ah u gaadhi doonta bangiga dhexe ee Soomaaliya, waxaanay sii mari doontaa xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Deeqadan ayaa ah mid loogu talogalay dib u dhiska dhisme-hoosaadka iyo kobcinta kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya.

Warsaxaafdeedka Qaramada Midoobay ayaa shaaca ka qaaday in qaybta hore hore ee mashruucan lagu bixin doono 2 milyan oo doollar oo wax looga qaban doono 3 gobol oo kala ah Banaadir , Jubbada hoose iyo gobolka saddexaad oo dhawaan shaaca laga qaadi doono.

Dhageyso Wareysiga Hadliye
please wait

No media source currently available

0:00 0:05:50 0:00

XS
SM
MD
LG