Isku xirrada

War Deg-Deg ah

50 Qof oo ku Dhintay Syria


Ku dhawaad 50 qof ayaa lagu dilay dagaal ka dhacay Syria Jimcihii shalay oo ku beegneyd maalintii ugu dambeeysay xabad joojin ay horey ugu dhawaaqeen ciidamada Syria, taasoo ay ugu dabaal degayeen munaasabadda Ciidul Fitriga.

Dagaaladan ayaa ka dhacay gobolada Idlib, oo ku dhow xuduudda turkiga iyo Waqooyiga magaalada Aleppo.

Hey’adda la socodka Arrimaha Xuquuqda Aadanaha ee Syria ee fadhigeeduyahay magaalada London ayaa sheegtay in duqeymo dhacay intii ay dagaaladu socdeen lagu dilay 23 qof oo laba caruur ah ay ku jireen, tuulada Darkoush oo ka tirsan gobolka Idlib.

Ma cadda in dayuuradaha dagaalka ee Ruushka iyo kuwa Syria ay fuliyeen duqeyntaa iyo in kale, hase yeeshee goobta ay weerardu ka dhaceen waxaa maamulka, isbaheysiga Mucaaradka Syria, oo ay ku jirto ururka al-Qaacida lala xiriiriyo ee Alnusra Front.

Meel banaanka ka ah magaalada Aleppo ayey kooxdu sheegtay in ugu yaraan 25 qof lagu dilay oo ay Iyana ku jireen laba caruur ah.

Xoogagga mucaaradka ayaa fuliyay weerar hoobiyeyaal loo adeegsaday qamiistii la so dhaafay si ey uga hortagaan ciidamada dowladda oo ku soo siqayay, si ey ula wareegaan marin mucaaradku sahayda u soo marto.

Shalay ayey ku ekeyd xabad joojin 72 saacadood ah oo ay ku dhawaaqday xukumadda Bashaar al-asad si dadka fursad loogu siiyo damaashaadka ciidda.

XS
SM
MD
LG