Isku xirrada

War Deg-Deg ah

USA: Wasaaradda A. Dibadda oo Baaritaan Ku Fureysa Clinton


Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa dib u fureysa baaris gudaheeda ah oo ku aaddan in haweeneyda murashaxa madaxweyne u ah xisbiga Dimuquraadiga ee Hillary Clinton iyo kalkaaliyeyaasheeda sar sare xilligii ay xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka aheyd ay si xun u maareeyeen xog xasaasi aheyd oo uu Mareykanku lahaa.

Afhayeen u hadlay wasaaradda arrimaha dibadda oo la yirahdo John Kirby, ayaa sheegay in baaristan ay dedejinayaan, hase yeeshee aysan waqti u qabaneyn.

Hadalkan ka soo yeeray wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ku soo beegmaya iyadoo baaris ay wasaaradda cadaaladda ku heysay Hillary Clinton ay ku soo dhamaatay in aan wax eedo ah lagu soo oogin.

Waxaa kaloo ay ku soo beegmeysa maalin ka dib markii xeer ilaaliyaha guud General Loretta Lynch ay ku raacday hey’adda FBI talooyin ay soo jeedisay oo ahaa in Mrs. Clinton aan laga gudbin dacwado la xiriira habkii ay u maareysay email-deeda.

Mudanayaasha iyo siyaasiyiinta xisbiga Jamhuuriga, oo uu ku jiro ninka kula baratamaya Clinton qabashada majaraha Aqalka Cad, Donald Trump, ayaa ka qeyliyay in Clinton aan dacwad lagu soo oogin.

Waxey sheegeen in galaangalka siyaasadeed ee ay leedahay Clinton ay ka caawisay inay ka baxsato dacwad fal dambiyeed oo lagu qaadi lahaa.

XS
SM
MD
LG