Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faahfaahinta Weerarkii Naaso-Hablood


Wararka ka imanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada ammaanku ay soo afjareen hawlgalkii ka socday hotelka Naasa-Hablood halkaas oo makhribkii ay weerar ku qaadeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Afhayeenka Gobolka Banaadir Cabdifataax Cumar Xalane ayaa VOA u sheegay inay jiraan khasaare dhimasho iyo dhaawac hase ahaatee aanay tiro sugan xilligan haynin.

Dadka ku dhintay weerarka waxaa ku jira Wasiiru Dawlihii Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ee Arrimaha Deegaanka Burci Maxamed Xamse oo saaka laga soo saaray maydkiisa huteelka.

XS
SM
MD
LG