Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Laba Wasiir oo Xilka Laga Qaaday


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

War qoraal ah oo kasoo baxay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu sheegay inuu xeer ku aqbaley xil ka qaadis uu Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ku sameeyey laba xubnood oo ka tirsanaa Golaha Wasiirada.

Xubnaha la sheegay in ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid uu xilalka ka qaaday ayaa kala ah Khadra Bashiir Cali oo ahayd Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare iyo Xaawo Xasan Maxamed oo ahayd Wasiirka Caafimaadka.

Labadan wasiir ee xilka laga qaaday ayaa waxaa lagu kala beddelay Dr. Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo noqonayaa wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare, iyo Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur oo noqonayaa Wasiirka Caafimaadka.

Madaxweynaha ayaa sheegay inuu aqbaley magacaabista labada wasiir ee cusub ee uu ra’iisul wasaaraha magacaabay.

Aqbalaadda xil ka qaadista iyo magacaabista xubnahan Golaha Wasiirada ka tirsan ayaa dhaqangaleysa maanta oo taariikhdu tahay 24 June, 2016.

XS
SM
MD
LG