Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Maalgelinta Hal-abuurnimada Ganacsi ee Dhalinyarada


Tirada shaqo la’aanta ee dhalinyarada haysata ayaa ah mid aad u sarraysa, waxaana dad badani ay ku doodaan in arrintaasi ay qayb ka tahay in dhalinyaradu u nuglaadaan inay gacanta u galaan cid kasta oo u gacan haadisa, dhinaca kalena ay safaf u galaan jidadka tahriibka, halkaas oo qaarkood ay badaha ku geeriyoodaan.

Waxaa jira dhalinyaro kala duwan oo eebbe ku mannaystay hal-abuurnimo kala duwan taas oo ay guul ka gaadhi karaan haddii ay helaan taageero, waxaase caqabadaha hortaagan ka mida duruufaha dhaqaale ee dhalinyarada horyaalla.

Haddaba Barnaamijka Hibada iyo Hal-abuurka toddobaadkan waxaan ku waraysanaynaa Cabdikariin Jirde Goole oo ah Agaasimaha Somaliland ee hay'adda Shuraako oo dhalinyarada ka caawisa inay siiso deymo kala duwan, ka dib marka ay ku qancaan in fikradaha ganacsi ee dhalinyaradu ay yihiin kuwo soconaya.

Hal abuurnimada Dhalinyarada
please wait

No media source currently available

0:00 0:13:15 0:00

XS
SM
MD
LG