Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Mareykanka ee Afghanistan oo Awoodo Dheeri ah la Siiyay


Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama ayaa ansixiyay awoodo cusub oo la siinayo ciidamada Mareykanka ee ku suggan dalka Afghanistan, kuwaa oo dabcinaya xadidaadyo horey uga saaraa duqeymaha dhinaca cirka – awoodahaa oo ciidamada Mareykanka u fududeyn doona – sida ay ula howlgalayaan ciidamada Afghanistan.

Hadalkan ayaa soo baxay, iyadoo ciidamada Afghanistan ay dagaal kula jiraan – kooxda Taalibaan, guulo ay gaarayaan kooxda Xaqaani ee lagu xiriiryo Al-Qaacida iyo Ururka ISIS oo dadaal ugu jira inuu saldhigyo ku yeesho Afghanistan.

Madaxweyne Obama ayaa ku dhawaad sideed sanadood ka hor markii uu xukunka Qabsanayay ku dhawaaqay inuu soo afjarayo dagaalka ciidamada Mareykanka ee Afghanistan iyo Ciraaq, laakiin ilaa iyo maanta – colaadda iyo dagaalaada ka bilowday wadamadaas waxey ku fideen dalal kale sida Syria iyo Libya.

Sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Maamulkiisa, Madaxweyne Obama ayaa awoodahan cusub ansixiyay, isagoo ku saleeyay wada tashiyo uu la yeeshay taliyeyaasha ciidamada Mareykanka iyo saraakiisha sir doonka.

XS
SM
MD
LG