Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Doon ay Saarnaayeen 700 oo Qof oo Degtey


Sawir Doon Degtay May 25, 2016
Sawir Doon Degtay May 25, 2016

Ugu yaraan afar qof ayaa dhintay, boqollaal kalena waa la la’yahay ka dib markii ay degtey doon ay saarnaayeen oo maraysay badda Mediterranianka.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa sheegtay in doontani ay ku degtey xeebaha dalka Giriiga. Afhayeen u hadlay ciidamada dalka Giriiga ayaa sheegay in illaa 340 qof la soo badbaadiyey, waxaana hay'adda socdaalka dunida ee IOM ay sheegeen inay aaminsan yihiin doontani ay ka timi qaaradda Afrika isla markaana ay saarnaayeen illaa 700 oo qof.

Warar kale ayaa sheegay in ciidamada badda ee Liibiya ay ka heleen badda illaa 104 qof oo meyd ah oo loo malaynayo dadka doontaas saarnaa.

Illaa hadda VOA may xaqiijinin wararkan.

XS
SM
MD
LG