Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Wararkii Ugu Dambeeyay Weerarkii Hotel Ambassador


Qaraxa hotel Ambassador
Qaraxa hotel Ambassador

Rasaas iyo qaraxyo, ayaa wali laga maqlayaa hotelka Ambassador ee Muqdisho, oo shalay galinkii dambe ay Shabaabku weerar ku qaadeen.

Dadka ku nool xaafadaha ka agdhow hotelka, ayaa sheegaya in ay xalay illaa iyo saaka ay maqlayaan qaraxyo iyo hub culus oo ka dhex dhacaya gudaha hotelka, kuwaas oo sheegay inay ka seexan waayeen rasaasta xooggaan ee dhaceysay.

Wali ma cadda khasaaraha rasmiga, waxase jira warar sheegaya inay dhinteen illaa iyo 10 ruux oo ay ku jiraan laba xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya, ayna dhaawacmeen tiro intaasi ka badan.

Xildhibaannada weerarka ku dhintay ayaa kala ahaa Cabdilaahi Jaamac Xasan (Kaboweyne) iyo Maxamuud Maxamed Guure, kana mid ahaa mudanaashii ugu cad caddaa baarlamaanka Soomaaliya.

Laba qarax oo xooggan ayaa abbaaro maqribbadii xalay waxa lala beegsaday iridka hore ee hotelka Ambassador ee Muqdisho, iyadoo ay xigtay in gudaha hotelka ay u galaan maleeshiyaad aan tiradooda la shaacin oo ka tirsan al-Shabaab, kuwaas oo dad ku dilay gudaha hotelka.

Bur bur xooggan, ayaa soo gaaray hotelka iyo dhismayaasha ka agdhow, kaas oo muujinaya baaxadda qaraxyadii lagu weeraray hotelka.

Qeybtan hoose ka dhageyso warbixin uu nooga diyaariyay wararkii ugu dambeeyay wariyaha VOA Jamaal Axmed Cismaan.

Dhageyso Wararki ugu dambeeyay ee weerarka
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:39 0:00

XS
SM
MD
LG