Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Arday Soomaali ah oo Aqoon Kororsi loo Keenay Washington


Toban arday oo Soomaali ah oo ka socda dugsiga Iftin Charter School oo ku yaalla gobolka California ee dalkan Maraykanka ayaa safar aqoon korodhsi ah loo keenay magaalada Washington si ay u booqdaan Aqalka Cad, Congresska, Madxafyada iyo goobaha kale ee taariikhiga ah.

Ujeedada socdaalka ardaydan ayaa lagu macneeyey inay tahay, sidii ay u arki lahaayeen goobaha laga maamulo dalkan Maraykanka iyo weliba inay indhohooda ku arkaan qaar ka mida goobaha taariikhiga ah oo ay casharada ku bartaan.

Students From Iftin Charter School
Students From Iftin Charter School

Dugsigan oo ay wax ka bartaan illaa 440 arday oo badankoodu Soomaali ah waxaa maamule ka ah gabadh Soomaaliyeed oo lagu magcaabo Amal Xirsi. Haddaba Ardaydan ayaa nagu soo booqday xarunta VOA iyaga oo nala wadaagay wixii ay ku arkeen goobaha ay booqdeen.

Arday Soomaali ah oo Aqoon Korodhsi u yimi Washington
please wait

No media source currently available

0:00 0:07:22 0:00

XS
SM
MD
LG