Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Cudurka Daacuunka oo Dad Badan ku Dilay Woqooyi Bari Kenya


Mandera, Kenya
Mandera, Kenya

Cudurka daacuudnka oo in muddo ah faro ba’an ku hayey degaanno ka tirsan Gobka Waqooyi Bari ee Kenya ayaa la soo sheegayaa inay sii korodhayaan dadka u dhimanaya.

Mas’uuliyiinta gobolka Mandera iyo hay’adda dhakhaatiirta aan xuduudda lahayn ayaa sheegay in tan iyo bishii Abril ee sannadkan ay cudurka u dhinteen 12 qof, islamarkaana la diiwaan geliyey 800 xaaladood oo cudurkaasi ah isla gobolkaasi.

Mas’uuliyiinta hay’adda MSF ayaa VOA u sheegay in markii lixaad muddo lix bilood gudahood ah ay koox gurmadka caafimaadka ka shaqaysa ay gaysay Gobolka. Waxay sheegtay MSF in cisbitaalka Mandera uu la ciirciirayo bukaanka cudurkan.

Hay’addu waxay sheegtay in sidoo kale la arkay dad ay soo ridaynayso qandho iyo fayras ka dhasha qaniinyada kaneecada oo lagu magacaabo Chukungunya. MSF waxay shegetay in 80% shaqaalaha cisbitaalka uu fayraskaasi saameeyey.

Wasaaradda caafimaadka ee Kenya ayaa sheegay in guud ahaan gobolkaasi la diiwaangeliyey 260 kiis oo ah qandhada faysrakaasi ka dhasha qaniinyada kaneecada.

XS
SM
MD
LG