Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kulan Ku Saabsan Dhismaha Aqalka Sare Oo Muqdisho ka Dhacay


Shirka Madasha
Shirka Madasha

Kullan ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen , Guddiga dib-u-eegista hanaanka doorasho ee ka kooban 25 xubnood ee baarlamaanka Soomaaliya, Madaxda dowladda Federalka iyo xubno ka socday beesha caalamka ayaa lagu gorfeeyay qodobbo uu guddiggan baarlamanka wax ka badelay oo la xiriira heshiiskii madasha ee hanaanka ay doorashadu u dhaceyso.

Kulankii maanta ayaa Guddigga Baarlamanku ee Dib u eegista hanaanka doorashada waxey ku adkeysteen in magaalada Muqdisho ay matalaad ku yeelato Aqalka Sare iyo Guddiga doorashada, Maadaama doorashadu ay Muqdisho ka dhaceyso, iyagoo dhinaca kale diiday in Madada maamul goboleedyada ay yeeshaan saxiixa mudanayaasha la soo xulayo.

Wariyeheenna Falastiin Axmed Imaan ayaa kullankii maanta ka wareystay, Xildhibaan Cabdisamad Macalin.

Wareysi: Xildhibaan Cabdisamad Macallin
please wait

No media source currently available

0:00 0:13:24 0:00

XS
SM
MD
LG