Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Trump oo Diyaar u ah in uu la Hadlo Kim Jong Un


<br />
آتش سوزی برج های دوگانۀ مرکز تجارت جهانی در نیویارک بعد از برخورد طیاره درحمله یازدهم سپتمبر سال ۲۰۰۱<br />
&nbsp;
<br /> آتش سوزی برج های دوگانۀ مرکز تجارت جهانی در نیویارک بعد از برخورد طیاره درحمله یازدهم سپتمبر سال ۲۰۰۱<br /> &nbsp;

Musharaxa madaxtinimada Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu la hadlo hoggaamiyaha Korea-da Woqooyi Kim Jong Un, si uu isugu dayo hakinta barnaamijka Nuclear-ka dalkaas.

“Waan la hadli lahaa, wax dhibaato ah kuma qabo inaan la hadlo” ayuu Trump ku yiri wareysi uu siiyey wakaaladda wararka ee Reuters.

Trump waxa uu sheegay inuu adeegsan lahaa awoodda dhaqaale ee Mareykanka si uu Shiinaha ugu cadaadiyo inay kaalin ka qaato sidii xal loogu heli lahaa arrinta Korea-da Woqooyi.

Koreada- Woqooyi ayaa waxaa saaran dhowr wareeg oo xayiraado QM ah, kuwaasi oo lagu bartilmaameedsanayo barnaamijkeeda Nuclear-ka.

Shiinaha iyo Mareykanka, oo ay wehliyaan Korea-da Koonfureed, Russia iyo Japan ayaa wada-hadallo lagu soo geba gebeenayo dhaqdhaqaaqyada Nuclear-ka la galay Korea-da Woqooyi, hase yeeshee waxa ay dadaalladaas burbureen sanaddii 2008.

XS
SM
MD
LG