Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Ciidamada Ciraq oo Billaabaya Howlgal ka Dhan ah Daacish


Ciidamada ammaanka Ciraq ayaa ku dhowaaqay billowga howlgal cusub oo magaalada Ar-Rutbah ee gobolka galbeed ee Anbar dib looga qabsanayo dagaalyahanada kooxda Daacish.

Magaalada Ar-Rutbah ayaa isku xirta goobaha ay Daacish maamusho ee xuduudaha dalalka Syria iyo Jordan.

“Waxaad eegi kartaa qariiradda oo aad arki kartaa muhiimadda magaaladan ka tirsan gobolka Anbar” Waxaa sidaas yiri afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka Peter Cook.

Waxa uu sheegay in haddii ciidamada Ciraq ay qabsadaan magaalada Ar-Rutbah ay noqon doonto tallaabo horumar leh oo loo qaaday dagaalka lagula jiro Daacish, islamarkaana ay taasi jareyso qul-qulka ka imanaya dhinaca xuduudda Jordan.

Horraantii sanadkan kooxda Daacish waxa ay lumisay gacan ku haynta dhul badan oo ku yaalla bariga dalka Syria iyo xuduudda Ciraq ee dhinaca magaalada Sinjar iyo meelo ku dhow magaalada Mosul.

XS
SM
MD
LG