Shir caalami ah oo diiradda lagu saari lahaa dib u billaabidda hanaanka nabadda ee Falastiin iyo Israel oo markii hore la qorsheeyey 30-ka bishan May inuu ka furmo magaalada Paris ayaa dib loo dhigay.
Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa talaadada maanta ah sheegay in sababta dib loogu dhigay wada-hadallada ay tahay ayada oo xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka John Kerry aan la heli karin waqtigaas.
Hollande ayaa Radio Faransiis ah u sheegay in wada-hadallada ay dhici doonaan xagaaggan, islamarkaana hindisahan la’aantiisa ay weerarada iyo dhismaha deegaamada sii socon doonaan.
30-ka May ayaa maalin fasax qaran ah u ah Mareykanka.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibedda Mareykanka John Kirby ayaa weriyayaasha u sheegay in Kerry aan la heli karin dhowr sabab dartood oo ay ku jiraan safar tiro badan oo uu horey u qorsheystay.
Si kastaba Kirby waxa uu sheegay in Mareykanka uu weli danaynayo sii wadidda isku dayada xal laba dal ah loogu helayo Falastiin iyo Israel.