Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Kenya Oo Xireysa Dhadhaab Iyo Kaakuma


Dawladda Kenya waxay sheegtay in markii ay eegtay khatarta dhinaca amniga ee dalkeeda uga imanaysa Al-Shabaab ay qaadatay go'aankan.

Dawladda Kenya ayaa maanta ku dhowaaqday inay xirayso xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab iyo Kakuma iyadoo ugu baaqday beesha caalamka inay qayb ka qaadato culayska qaxootiga uga iman kara xiritaanka xeryahaasi.

Dawladda Kenya war saxaafadeed ay soo saartay ayey ku sheegtay in markii ay eegtay khatarta dhinaca amniga ee dalkeeda uga imanaysa Al-Shabaab iyo kooxah kale ee argagixisada iyo sida gaabiska ah ee uu ku socdo barnaamijka dadku ay si iskood ah ugu laabanayaan dalalkoodii ay qaadatay go’aan ah inay xidho xeryahaasi xilliga ugu gaaban ee suurtogalka ah.

Kenya waxay sheegtay inay go’aan ku gaadhay inay soo afjarto marti-gelintii ay u samaynaysay dadka ku nool xeryaha qaxootiga.

War saxaafadeedka ayaa Kenya waxay ay ku sheegtay inay qaadday tallaabadii ugu horraysay ee ay ku xirayso xeryaha qaxootiga iyada oo kala dirtay Hay’addii Amuuraha Qaxootiga ee waddankaasi DRA taasi oo ay sheegtay inay gogolxaar u tahay xirista xeryahaasi.

XS
SM
MD
LG