Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Tijaabada K/Woqooyi oo Guuldaraysatay


Kuuriyada Woqooyi ayaa ku guul daraysatay inay tijaabiso gantaal nooca riddada dhexe ah maanta oo Jimce ah, waxana dadka siyaasadda faalleeyaa ay sheegayaan inaanay taasi ka dhignayn weji gabax soo food saaray awoodda milateri ee dalkaas, hase ahaatee ay qayb ka tahay xilliyada lagu hawlan yahay horumarinta hubka wax gumaada.

Waxaa jira walaac isa soo taraya oo la xidhiidha awoodda Gantaallada Nukliyeerka xamaara ee Kuuriyada Woqooyi, xilli dalkaasi uu hanjabaado kala duwan u jeedinayo dalalka ay deriska yihiin sida Kuuriyada Koonfureed iyo Japan, iyo xattaa dalka Maraykanka.

Gantaalka tijaabadiisu guuldarrada ku dhamaatay ayaa ah, gantaal aanay Kuuriyada Woqooyi hore u tijaabin oo ah nooca ridada dhexe.

Kooxo dusha kala socda ayaa sheegay in tijaabadani ay ku soo aadday maalinta uu dhashay Kim Il Sung oo ah Madaxweynihii ugu horreeyey ee dalkan, isla markaana awoowe u ah wiilka da’da yar ee haatan xukuma Kuuriyada Woqooyi ee Kim Jong Un.

XS
SM
MD
LG