Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Faaqidaadda: Webiyada Guray ee Soomaaliya


Webiga Shabelle oo guray
Webiga Shabelle oo guray

Barnaamijka Faaqidaadda waxaan ku eegeynaa, maxaa ka jira eedaha loo jeedinayo dawladda Itoobiya ee webiyada guray ee Soomaaliya.

Xuduudaha ka sokow Soomaaliya iyo Itoobiya waxay wadaagaan biyaha labada webi ee Shabeelle iyo Jubba oo kasoo bilaabma Itoobiya kuna dhammaada Soomaaliya.

Biyaha labada webi ayaa si aad ah hoos ugu dhacay, meelaha qaarkoodna sida webiga Shabelle waxaaba guray biyihiin, salkii hoose ee webigana waxaa ka duulaysa siigo.

Aqoonyahano iyo warbahainta Soomaalida qaarkood ayaa su’aalo culus ka keenay sababta ay u gureen webiyada.

Fikradaha qaarkood waxay la xiriiriyeen abaaraha jira balse doodaha intooda badan waxay farta ku fiiqeen dawladda Itoobiya oo ay ku eedaynayaan in qorshayayaal ay ka fulisay webiyada Jubba iyo Shabeelle ay si toos ah sabab ugu yihiin inuu biyaha webigu yaraado.

Haddaba maxaa ka jira eedaha loo jeedinayo dawladda Itoobiya? Waa qodobka barnaamijka faaqidaadda toddobaadka, waxaana soo jeedinaya Haaruun Macruuf.

Faaqidaadda Toddobaadka
please wait
Embed

No media source currently available

0:00 0:32:46 0:00

XS
SM
MD
LG