BOOSAASO —
Maamul goboleedka Puntland ayaa sheegay inay soo af-jareen dagaal ay ku baacsanayeen maleeshiyo ka tirsan ururka Al-Shabaab oo ka baxsatay dooxada Suuj.
Mas’uuliyiinta maamulka waxa ay sheegen in dagaal ka dhacay halka lagu magacaabo Dherinbaar ay kusoo qabteen 18 ka tirsan maleeshiyada Al-Shabab.
Maamulka Puntland ayaa si rasmi ah ugu dhowaaqay in hawlgalkii soo uu soo dhammaaday.
Weriyaheena Faadumo Yaasiin Jaamac ayaa warbixintan kasoo dirtay Boosaaso.