Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Madaxweyne Xasan: Dagaalka Al-Shabab Lagama Caajisin


Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud

Maleeshiyaddii ururka Al-shabab ee maalmihii la soo dhaafay kula dagaalamayay ciidamada Puntland togga weyn ee Suuj ee gobolka Nugaal ayaa lagu soo waramayaa inay halkaasi isaga baxeen.

Dadka deegaanka ayaa arkayay maleeshiyada Al-shabab oo saf saf u socda oo togaasi uga sii baxaya dhinaca badda.

Dadka arkay ciidamada Al-shabab ee halkaasi ka baxay waxaa ka mid ah oday macagiisa ku soo koobay “Maxamed” sababo dhinaca amaanka ah dartood waxaana uu sheegay in Al-Shabab ay u baxeen degaano dhinaca xeebta ka xiga Suuj. Waxa uu sheegay inaan la ogayn halka ay ku wajahan yihiin balse ay baacsanayaan ciidamada Puntland.

Dhinaca kalana Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaan laga caajisin dagaalka Al-Shabab meel kasta oo ay tahay.

Waxa uu sheegay madaxweynuhu in dagaalka ay ka wadaan Al-Shabab Puntland inuusan ka duwanayn midka ay ka wadaan gobollada kale ee dalka, waxaana uu carrabka ku adkeeyye in dawladda Soomaaliya ay qayb ka tahay dagaalkaas.

Madaxweynaha waxa uu ka hadlayey kulan ku saabsan hannaan midaysan oo ay ku wada shaqayn karaan dawladaha hoose ee maamul goboleedyada dalka iyo dawladda dhexe.

Madaxweynaha ayaa khudbad uu halkaasi ka jeediyey waxaa uu kaga hadlay dagaallada dhowaan ka qarxay degaanada xeebaha bari ee Puntland ee u dhexeeya ciidamada maamulkaasi io al-Shabab. Faahfaahinta warkaas waxaa warbixintan nooga soo diray Xasan Kaafi Qoyste.

Madaxweyne Xasan oo ka Hadlay Dagaalka Puntland
please wait

No media source currently available

0:00 0:04:39 0:00

XS
SM
MD
LG