Isku xirrada

War Deg-Deg ah

QM: K. Suudaan Gabbood Fallo ayay Geysatay


ciidamada Koonfurta Suudaan
ciidamada Koonfurta Suudaan

Xafiiska QM u qaabilsan xaquuqul insaanka ayaa sheegay in dowladda Suudaanta Koonfureed ay geysatay dilal, kufsi iyo bililqeysiga shacabka, xilli ay dagaallo kula jirto mucaaradkeeda.

Warbixin cusub oo maanta oo Jimce ah la soo saaray ayaa lagu sheegay in dhammaan dhinacyada ku lugta leh colaadaha ay geysteen gabbood fallo darran oo ka dhan ah shacabka, waxaase midda ugu darran ay geystay dowladda, intii lagu guda jiray howlgallada ka dhanka ah mucaaradka sanadkii tagay ee 2015.

Xafiiska QM u qaabilsan xaquuqul insaanka, ayaa sheegay in 10 gobol ka diiwaangeliyeen gabbood fallo kala gaddisan gaar ahaan 1300 oo kufsi intii u dhaxeysay bilihii April iyo September ee sanadkii 2015.

XS
SM
MD
LG