Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Qaraxyo ka Dhacay Degmada Baardheere


Ciidanka Ethiopia - itoobiya
Ciidanka Ethiopia - itoobiya

Ugu yaraan 2 qof ayaa la sheegayaa inay ku dhinteen qaraxyo maanta ruxay degmada Baardheere ee gobolka Geod.

5 qarax oo miinada dhulka lagu aaso ah ayaa lala beegsaday kolonyo ciidamada Ethiopia oo marayay gudaha degmada.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qarax haleelay mid ka mid ah baabuurta ciidamada uu ku dhintay hal askari.

Ciidamada Ethiopia oo qeyb ka ah AMISOM, ayaa qaraxaasi kadib rasaas furay, waxaana rasaastaasi ay dhaawacday ugu yaraan saddex qof.

Xaaladda degmada Baardheere ayaa imika degan.

XS
SM
MD
LG