Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Dad ku Dhintay Weerarkii Hotel SYL


Ugu yaraan 6 qof ayaa ku dhintan in kabadan 25 kalena way ku dhaawacmeen markii dabley ka tirsan al-Shabaab ay caawa fiidkii laba weerar oo qarax baabuur ah la beegteen hotel SYL oo ku yaalla magaalada Muqdihso.

Sarkaal sare oo ka tirsan hay'adda nabad-sugidda ayaa VOA u sheegay in qaraxa koowaad uu ahaa baabuur weyn oo ku qarxay bar kantarool oo hoel-ka u dhow, halkaasi oo ay ku dhinteen 4 ka tirsan ciidamada amniga Soomaaliya.

Sarkaalka ayaa sheegay in qaraxa labaad uu ka dhacay meel u dhow hotel-ka, waxaana laba nin oo ka tirsan dableydu ay isku dayeen inay hotelka gudaha u galaan, balse waxaa ka hor istaagay ciidamada amniga oo halkaasi ku dilay labadii nin.

al-Shabaab ayaa sheegtay in maleeshiyadoodu ay "gudaha u galeen hotel"

Dadka dhaawacmay waxaa ku jira dad rayid ah oo la sheegay inay ka ag- dhawaayeen hotel-ka iyo waliba beerta Nabadda oo u dhow hotel-ka SYL.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in qaraxa koowaad oo aad u baaxad weynaa u u sababay in guryo hotel-ka ka ag dhawaa ay dumaan, waxaana la sheegayaa in dad ku dhaawacmeen.

Hotel SYL oo ah hotel u dhow madaxtooyada Soomaaliya ayaa waxaa badanaa isticmaalla saraakiisha dowladda, waana markii labaad ee weerar lagu qaado. Bishii January ee sannadkii hore qarax baabuur ayaa hotel SYL lala eegtay maalin kahor safar u magaalada Muqdisho ku tagi lahaa madaxweynaha Turkey.

XS
SM
MD
LG