Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Museveni oo ku Guuleystay Doorashadii Uganda


Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni, ayaa la shaaciyay Sabtida maanta in uu ku guuleystay doorashadii madaxtinnimo ee dalkaasi ka dhacday maalin ka hor, iyadoo ay jiraan eedeymo ka imaanaya kormeerayaasha Yurub iyo kuwa deeqaha bixiya.

Guddiga doorashada, ayaa shaaciyay in Museveni uu ku guuleystay codadkii la dhiibtay 60.8 boqolkiiba, halka hoggaamiyaha mucaaradka ah ee Kizza Besigye isna la sheegay in uu helay 35.4 boqolkiiba codadkii la ritay.

Kormeerayaasha Midowga Yurub, ayaa sheegay in doorashadii Khamiistii ka dhacday Uganda ay ku qabsoontay jawi handadaad, halka dalalka deeqaha bixiyana ay sheegeen in aysan doorashadaasi wada dhameystirin dhammaan adeegyadii muhiimka u ahaa doorashada, oo gabaabis uu ka jiray waxyaabihii muhiimka u ahaa Dimuqraaddiyadda.

XS
SM
MD
LG