Isku xirrada

War Deg-Deg ah

Mareykanka oo Somalia ku Daray Liis Cusub


Dadweyne kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Los Angeles.
Dadweyne kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Los Angeles.

Soomaaliya, Yemen iyo Libya ayaa lagu daray liiska dalalka walaaca laga qabo, marka al eego barnaamijka ogolaanaya in Visa la’aan lasoo galo Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Libya ku dartay liiska dalalka walaaca laga qabo, marka al eego barnaamijka ogolaanaya in Visa la’aan lasoo galo Mareykanka (Visa Waiver Program).

Waaxda ammaanka gudaha ee Homeland Security ayaa khamiistii ku dhowaaqday tallaabadan, oo dadka booqday dalalkan shanti sano ee lasoo dhaafay ku adkeyn doonto hanaanka lagu helo Visa-ha Mareykanka.

Xayiraad cusub ayaa la soo rogay iyadoo loo cuskanayo sharciga la ansixiyey ka dib weerarkii November ee Paris ee ay geysteen kooxda Islamic State.

Muwaadiniinta wadamada la ologa ah Mareykankaoo markii hore Mareykanka usoo safri jirey Visa la,aanta ayaa hadda laga doonayaa in ay Visa ka dalbadaan qunsuliyada Mareykanka, hadii ay shanti sano ee lasoo dhaafay u safreen mid ka mid ah dalalka Soomaaliya, Yemen iyo Libya.

Waaxda Ammaanka Gudaha ayaa sheegtay in shuruudaha cusub aysan si toos ah u saamayn dooninmuwaadiniinta ka yimid dalalka aan Visaha u baahneyn in ay Mareykan soo galaan oo ay ku jiraan muwaadiniinta labada dhalasho heysta ee Yemen, Soomaaliya iyo Liibiya.

Xanibaadan cusub ee helitaanka dal ku galka Mareykanka ayaa la soo rogey iyadoo hay’adaha ammaanka Mareykanka ay diirada ku hayaan qataraha ka iman kara dagaalyahanada shisheeye ee xagjirka ah, waxaana ay doonayaan in ay adkeeyaan fursadaha ay kooxdani u yeelan karto in ay ka faa’ideystaan dal ku galka aan adkeyn ee waddamada qaar.

XS
SM
MD
LG